|
Gaalkacyo, (insidesomalia.org)- Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa saaka kacsan, kaddib markii lagu dilay xabsiga degmadaas dhexdiisa nin loo haystay inuu dilay Xaaji Cali Jaamac Biixi.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in xiisada taagan ay aad cirka isugu sii shareerayso, inkastoo ay jiraan dadaalo ay wadaan duqowda labada dhinac, taasoo ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan xiisada maanta jira.
Dilka Maxbuuska lagu dhexdilay gudaha xabsiga Galkacyo ayaa waxaa geystay rag aad u hubeysan oo ka itaal roonaaday Booliiska xabsiga ku sugan, iyagoo markii ay dileena dibada uga baxay Magaalada Gaalkacyo sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninka xabsiga lagu dilay lagu magacaabi jiray Cabdifitaax, waxaana uu ahaa ninkii ay ka bilaabatay kala qafaalsho rag iyo gaadiid, taasoo ka taagnay xiliyadii ugu dambeeyay waqooyiga iyo koonfurta Degmada Gaalkacyo.
Maamulka Galmudug oo ka hadlay dilka ruuxa dhankooda kasoo jeeda loogu geystay Xabsiga Gaalkacyo ayaa sheegay inuu falkaas ahaa mid lagu qalqalinayo amaanka Gaalkacyo, ayna kala hadlayaan Maamulka Punland.
Dhawaan ayaa lagu kala wareegsaday xabsiga Gaalkacayo qaybteeda koonfureed ku yaala rag la kala haystay iyo gaadiid la kala dhacay, waxaana falkaas uu sii murjinayaa xaalada Gaalkacyo.
|